Till innehåll

Förintelsen iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka

Fakta om Förintelsen på somaliska

Förintelsen waa tusaale ka mid ah waxyaabaha ku cabsi galinaaya ee dhici kara haddii aynaan si joogto ah uga hadlin dimuquraadiyadda iyo sinnaanta aadanaha.

Muxuu ahaa Förintelsen

Xasuuqii Yuhuudda loo geystey intii uu Dagaalkii Labaad ee Adduunku socday ayaa loogu magac daray Förintelsen. Waxa magaca ugu wacan in taliskii Naasiyiintu uu si nidaamsan uga shaqeeyey sidii loo cidhibtiri lahaa dhamaan Yuhuudda Yurub. Xasuuqii dadka Yuhuudda ee Naasiyiinta iyo kuwii la socday ay u geysteen ayaa lagu diley ilaa 6 milyan oo Yuhuud ah. Waxa uu xasuuqu dhacaayey intii uu socday Dagaalkii Labaad ee Adduunku 1939–1945. Waxa sidoo kale dadka reer Roma loo geystay xasuuq, taas ayay sabab u aheyd fikradaha ay Naasiyiintu qabeen ee aheyd inay jiraan "qoomiyadaha aadanaha". Waxa ay Naasiyiintu sidoo kale dhibaatayn, u geysteen, xidhxidheen oo ay laayeen kumanaan qof oo tusaale ahaan ahaa qaar siyaasad ahaan ka soo horjeeda, khaniisiinta ama waxa loo yaqaan "dadka xidhxidhan ee gooni u socodka ah".

Doorka Förintelsen

Xaqiiq ahaan marnaba ma fududa in la tilmaamo doorarka kala duwanaa ee dadka ama xukuumadaha dalalku ay ka ciyaareen dhacdo taariikhi ah. Förintelsen ayaan taas ka duwanayn. Iyadoo laga duulaayo doorarka kala duwan ayaa waxa laga yaaba inaynu wax ka barano sida ay u adag tahay in la tilmaamo dadka midba meesha uu kaga jiro. Doorarka badanaa loo isticmaalo si loogu eego ficillada dadka iyo waddamada ee khuseeya Förintelsen ayaa ah dambiileyaal, dhibaneyaal iyo daawadeyaal.

  • Dembiile – macnahiisu waa "qof galay nooc faldembiyeed ah". Arrinta khuseysa Förintelsen, ayay Naasiyiintu ahaayeen cidda ka dambeysay xasuuqa, dambiileyaal. Laakiin may aheyn kuwa kaligood sameeyey Förintelsen ama fuliyay dhammaan kadeedista/dhibaataynta iyo dilka. Xukuumadaha ka dhisan waddamada kale ee Yuhuudda iyo qawmiyadda dadka reer Roma laayey ama u direy xeryaha lagu soo ururiyey iyo kaamamaka dabargoynta ee caawinaayey Naasiyiinta ayaa sidoo kale dambiilayaal ahaa. Shakhsiyaad gaar ah ayaa sidoo kale noqon kara dambiilayaal.
  • Dhibbaneyaasha – waxa uu micnahiisu yahay in qof ama dad loo geystey dabogal ama rabshado. Ereyga dhibbane waxa uu yeelan karaa macnaha ah inaanay wax iska caabin ah oo ku wajahan dembiilayaashu jirin taas oo aan run ahayn. Dad ka tirsan qowmiyadaha Yuhuudda iyo reer Roma ayaa dhibbane u ahaa dilkii Naasiyiinta iyo kuwii caawinaayey. Naasiyiintu sidoo kale waxay dileen kooxo ay ka mid yihiin kuwa siyaasadda ka soo horjeeda, khaniisiinta, Markhaatiyaasha Yehowah, iyo dadka naafada ah. 
  • Daawadeyaasha - daawade waa qof wax dhibki arkaaya ama daawanaaya isla markaana aan waxba ka qaban. Waxa ay noqon karaan shakhsiyaad ama xukuumado ka jira waddamo. Sababaha aanay daawadeyaashu waxba u sameynin ayaa kala duwanaan kara. Waxay noqon kartaa cabsi ama inaanay dan ka laheyn, ama sababo kale awgood. Laakiin dad badan oo daawadayaal ka ahaa Naasiyiintii Jermalka ayaa si uun ugu lug lahaa Förintelsen, tusaale ahaan, shaqadooda ama iibsiga guri ay Yuhuuddu lahaayeen laakiin ay Naasiyiintii la wareegeen.

Waxay Naasiyiintu doonayeen inay dabar gooyaan dhamaan wax kasta oo Yuhuud ah

Naasiyiintu waxay doonayeen inay dabar gooyaan dhammaan Yuhuudda iyo dhaqankoodaba. Waxa sidaas darteed loogu yeedhaa xasuuq ummadeed. Dagaalkii Labaad ee Dunidu waxa uu suurto geliyay in xasuuqu socdo muddo dheer oo ilaa lix sano ah. Antisemitism waa eray wadareed loo adeegsado nacaybka iyo cadaawadda Yuhuudda loo qabo kaas oo boqolaal sano Yurub ka jiray. Förintelsen, xasuuqii ku dhawaad lix milyan oo Yuhuud ah loo geystey intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa ah habka ugu xun/adag ee lagu muujiyo Antisemitism.

Dadka reer Roma iyo kooxo kale ayaa la dabagelayay oo la laayay

Isla xilligii uu  Förintelsen socday ayay Naasiyiintu xasuuq u geysteen qowmiyadda dadka reer Roma. Kooxaha kale ayaa sidoo kale ay Naasiyiintu u geysteen kadeedis/dhibaatay iyo xadgudub. Waxay ahaayeen kooxo ay Naasiyiintu u arkaayeen inay yihiin kuwo khatar bulshada ku ah ama aan qiimo badan laheyn. Waxay noqon kareysay mucaaridiinta siyaasada, danbiilayasha ama dadka maskax ahaan naafada ah.

Jarmalka xilligii 1930-kii

Dhamaadkii 1920-kii waxa meelo badan oo caalamka ka mid ah soo gaadhay dhaqaalo xumo markii uu burburay Suuqa dhaqaalaha ee New York. Waxa dhacday shaqo la’aan badan, dad badan waxa lagala wareegay guryahoodii waxaana jirtay kalsooni darro badan oo mustaqbalka laga qabo. Jarmalka ayuu si xun u saameeyay burburka suuqa dhaqaalahu, iyadoo Yurub inteeda kaleba ay sidaas aheyd.

Ballanqaadka mustaqbal wanaagsan ee dadka Jarmalka

Xisbiga Shaqaalaha Jarmalka ee Hantiwadaaga (NSDAP), Naasiyiinta, iyo hoggaamiyahooda Adolf Hitler ayaa codbixiyayaasha soo jiitey iyagoo dadka Jarmalka u ballanqaadaaya mustaqbal ka wanaagsan. Waxa uu Xisbiga Naasiyiintu helay taageerayaal badan, laakiin kuma uu guulaysan inuu awood ku helo doorashooyin dimoqraadi ah. Qalalaase siyaasadeed oo dhacay doorashadii 1932 ka dib, ayaa Madaxweynaha Jarmalka ee Hindenburg uu Hitler u magacaabay Ra'iisul Wasaaraha Jarmalka , hogaamiyaha dawladda 1933. Maaddaama oo uu yahay hogaamiyaha dawladda ayuu hubiyay inuu helo awoodda oo dhan iyadoo xisbiyada kale ee siyaasaddana la mamnuucay.

Hitler waxa uu meesha ka saaray/tirtiray dimuquraadiyaddii

Waxa uu Hitler jeclaa inuu ka hadlo kulannada dadweynaha ee dad badani iskugu yimaaddan. Bishii Ogosto 1934 ayuu Hitler ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha Jarmalka iyo kaligii taliye, ”Führer”. Waxa Naasiyiinta muhiim u ahaa in dimuqraadiyadda meesha laga saaro.  Hogaamiyayaasha xisbiyada Socialdemokratiga iyo Shuuciga ayaa loo diray xerooyin-xabsi, nooc xerooyin ah oo dadka lagu xidho.

Naasiyiintu waxay isticmaalaayeen hanjabaad iyo xoog iyagoo meesha ka saaray xorriyadda hadalka

Dad badan oo Jarmal ah ayaa siyaabo kala duwan xaaladoodu ugu fiicnaatey waxaanay Naasiyiintu haysteen taageero bulsho. Kuwa aan u fikireynin sidii Naasiyiinta oo kale ayaa loo geystey dilmo/rabshado iyo hanjabaad. Dadka iyagu qabay fikrado ka duwan kuwa Naasiyiinta ayaan badanaa ku dhiirran jirin inay wax sheegaan iyadoo wargeysyadana aan loo oggolaan jirin inay qoraan waxyaabo aanay Naasiyiintu raalli ka ahayn.

Fikradaha ah inay jiraan dad kala duduwan "qoomiyado"

Horraantii qarnigii 1900-kii, ayaa dad badan oo reer Yurub ah iyo meelo kale oo adduunka ka mid ahba ay rumaysnaayeen inay jireen "qoomiyado" aadamiga ah oo kala duwan. Baarlamaanka Iswiidhan ayaa 1920-kii go'aansadey inay bilaabaan "Machadka Qaranka ee Bayoolajiga Qoomiyadaha" ee Uppsala. Shaqada Machadku waxa ka mid ahaa in cilmibaadhis lagu sameeyo bayoolajiga qoomiyadaha iyo sida ay dal ahaan Iswiidhan iyo dad ahaan Iswiidhishka u saameyn karto.

Aragtida Naasiyiinta ee "qoomiyadaha"

Laakiin muu jirin waddan gaadhay illaa heerka ay Naasiyiintii Jarmalku gaadheen. Waxa Jarmalka dhexdiisa in badan ka jirtay fikrad ah in dadka Jarmalku ka sarreeyaan dadyowga kale. Xitaa dad badan oo Yuhuud ah ayaa sidoo kale fikrad la mid ah qabay maadaama oo ay qeyb ka ahaayeen bulshada Jarmalka sida dhammaan dadka kale ee Jarmalka ah. Naasiyiinta ayaa dhanka kale dadkii Jarmalka u kala qeybiyey "qoomiyado" kala qiime sareeya. Naasiyiintu waxay aamminsanaayeen in qeyb ka mid ah dadka Jarmalka ay ka tirsan yihiin "qoomiyada saafiga ah ee ariska" taasoo ka sarreysa dhammaan  dadka kale iyo aadanaha. Waxay u arkaayeen in Yuhuudda iyo Roma ay yihiin "qoomiyad" ka hooseysa oo ay khatar ku yihiin ummadda Jarmalka iyo qaranka Jarmalka.

Waxa dadka reer Roma loo arkay inay khatar ku yihiin qoomiyada Jarmalka

Waxa "Cilmibaadhista qoomiyadaha", ay isku dayeen khubarada cilmiga bayoolajiga inay dadka reer Roma leeyihiin dabeecad gaar ah oo shakhsi ahaaneed. Isla sannadka ay Naasiyiintu xukunka qabsadeen, ayaa Jarmalka laga sameeyey sharci la dhaho Sharciga Caafimaadka Hiddaha. Waxa loo adeegsaday inuu gundhig u noqdo xadgudubkii lagula kacaayay dadka reer Roma, sida tusaale ahaan tallaabooyinka keenayay inaanay dadka reer Roma carruur dhalin.

Waxa ay Naasiyiintu bilaabeen cilmibaadhis baaxad weyn oo bayoolaji ah oo ku saabsan dadka reer Roma ee Jarmalka ku nool. Ujeeddadu waxay aheyd in la caddeeyo in dhaqanka "gooni u socod nimada" ay tahay wax la iska dhaxlo oo khatar ku yihiin qoomiyada Jarmalka iyo "wadajirka shacabka".

Shacabka Jarmalka ayaa isla hal waddan ka tirsanaan lahaa

Waxa ay Naasiyiintu qabeen in dadka Yurub ku nool ee ku hadla af Jarmalku ee leh dhaqan Jarmal ah ay tahay inay ka tirsanaadaan "Jarmal Weyne". Sidaa darteed ayay Naasiyiintu ugu rabeen inay fuliyaan rabitaanka shacabka Jarmalka ee ahaa in dhulalkii uu Jarmalku lumiyey Dagaalkii Koowaad ee Adduunka dib loogu soo celiyo. Aaggii ugu horreeyay ee ka mid noqda "Jarmal Weyne" waxa uu ahaa gobolka Saar ee ku yaala xadka dhanka Faransiiska iyo Luxembourg xigga. Sanadkii 1938 ayaa Naasiyiintii Jarmalku Austaria qabsadeen iyagoo taageero ka helaaya dadka reer Austria. Muddo yar ka dib ayaa aagagga iyagu Jarmalka ku hadla ee Tjeckoslovakien ay sidoo kale noqotay qeyb ka mid ah "Jarmal Weyne".

Naasiyiintu waxay rabeen aag Polan ku yaala oo uu Jarmalku lumiyey Dagaalkii Koowaad. Dowlada Poland ayaa taas diiday iyadoo Ingiriiska iyo Faransiisku ay balanqaadeen inay talaabo ka qaadi doonaan/faragaliyaan hadii Jarmalku uu Poland weeraro.

Antisemitismen iyo antiziganismen ayaa aad u baahsanayd

Yuhuud nacaybku horeba way ugu baahsanayd Jarmalka iyo Yurub markii Naasiyiintu xukunka qabsadeen. Waxay keentay in dadku rumeysto waxay Naasiyiintu Yuhuudda ka sheegayeen. Borobogaandada Naasiyiintu waxay aheyd in Yuhuuddu tahay halista ugu weyn ee ku wajahan dadka Jarmalka waxayna ka dambeeyaan "dhamaan waxkasta oo shar ah/xun oo duniha ka dhacaaya".

Markii ay Naasiyiintu soo ifbaxaayeen ayaa waxa muddo dheer jiray shaki ku dhisan fikrad/ra'yi aan sal lahayn oo laga qabo Roma. Waxay dadka reer Roma Yurub ku noolaayeen laga soo bilaabo 1000-kii.

Waxay Yuhuuddu Jarmalka deganaayeen boqolaal sano

Waxa ay Yuhuuddu ku noolaayeen aagga maanta loo yaqaan Jarmalka illaa sannadaii 600-kii. Xilligii 1930-kii ayaa dadka Yuhuudda ah ee Jarmalka ku nool ay qiyaastii ahaayeen 500,000. Waxay qiyaas ahaan aheyd boqolkiiba 0.75 bulshada.

Sharciyada Nuremberg - takoorida ku wajahan Yuhuudda iyo dadka reer Roma

Sanadkii 1935 ayay Naasiyiintu soo saareen waxa loogu yeero "Sharciyada Nuremberg". Waxyaabaha kale ee uu sharcigu ka hadlaayay waxa ka mid ahaa in aanay Yuhuuddu shirkado lahaan karin, aanay dawladda u shaqeynin, aanay guursan qof ”ariyan” ah oo aanay carruurta Yuhuuddu dhigan dugsiyo la mid ah kuwa carruurta aan Yuhuudda ahayn. Waxa Yuhuudda lagu soo rogey xannibaado ka sii badan taas oo aan tusaale ahaan Yuhuudda loo oggolaan inay raadiyow lahaadaan, inay baarkiga/xadiiqada ama shineemooyinka tagaan. Yuhuudda iyo dadka reer Roma ayaa waayay xuquuqdooda muwaadinimo inkasta oo ay muwaadiniin Jarmal ah soo ahaayeen dhowr jiil/fac.

Talyaaniga Fashiisteha ahaa

Jarmalka ayaa tan iyo 1930-nadii xulufo/heshiis la lahaa Talyaaniga, oo uu xukumaayay hoggaamiyihii faashiistaha ahaa ee Benito Mussolini. 1940, Japan ayaa sidoo kale waxay ka mid noqotay xulufadaas.

Waxa uu taliskii faashiistaha ahaa ee Talyaanigu soo saaray 1938 sharciyo Yuhuudda lagu takooraayo.

Qaxoontiga Yuduudda iyo Novemberpogromen Yuhuudda ayaanay waddamada kale qaabilin

Maamulka Naasiyiinta bilowgiisii ayay Yuhuuddu doonaayeen inay Jarmalka ka guuraan, laakiin Sharciyada Nuremberg ayaa ku adkeeyay guuritaanka maadaama oo aan Yuhuudda loo sii oggoleyn inay helaan fursad ay lacag ku shaqeystaan. Waddamo dhowr ah ayaan rabin inay qaxooti badan qaabilaan sababo dhaqaale iyo bulsho ahaaneed awgood. Wadamadu waxay sidoo kale ka cabsanaayeen  in haddii ay qaxooti badan oo Yuhuudda ahi ku soo qulqulaan ay abuuri doonto nacayb badan oo Yuhuudda ah taas oo waddanka u keeni doonta inuu "dhibaatadiisa Yuhuudda" yeesho. Markaa ayaa qaar badan oo Yuhuudda oo doonaayay inay Jarmalka ka guuraan ay waayeen meel ay u cararaan.

Kadib markii uu codsi ka yimid Iswiidhan iyo Switzerland, ayaa laga bilaabo 1938 Yuhuudda Jarmalka ah xarafka J baasaaboorka lagaga dhufanaayay.

Iswiidhan may rabin inay qaabisho qaxootiga Yuhuudda ah

Dhamaadkii 1930-kii Iswiidhan may rabin inay qaabisho qaxootiga Yuhuudda ah. Waxay Yuhuuddu Iswiidhan deggenaayeen dhowr boqol oo sano, laakiin waxa jiray dad badan oo Iswiidhish ah oo aan rabin in Yuhuuddu Iswiidhan u soo haajiraan/soo galaan. Wargeysyada, sawirada kartoonada iyo filimaanta ayaa muddo dheer Yuhuudda ku sifeynayay sidii oo ay ka duwan yihiin oo ay ka xun yihiin dadka Iswiidhishka ah.

Naasiyiintu marnaba awooda dalka Iswiidhan may helin

Marnaba kumey dhawaan in xisbiyada Naasiga ee Iswiidhan ay baarlamaanka soo galaan. Waxay ahaayeen qaar kala qeybqeybsan iyagoo aan laheyn tiro cod bixiyayaal ah oo ku filan. Labada xisbi ee Iswiidhan 1930-kii ugu waaweynaa waxay kala ahaayeen Socialdemokraterna iyo Allmänna valmansförbundet (oo maanta ah Moderaterna). Hogaamiyaha xisbiga Socialdemokraterna ee Per Albin Hansson ayaa ahaa ra’iisul wasaare.

Novemberpogromen

Habeenkii u dhexeeyey 9kii iyo 10kii Noofambar, 1938, waxa pogromkii ugu weynaa lagu qaaday Yuhuuddii Jarmalka iyo Austria. Waxa pogrom uu yahay kadeedis/dhibaatayn xoog badan oo dad badani ay ku dhinteen oo abaabulaan oo Yuhuudda loo geystey. Ciidamada Naasiyiinta iyo shaqsiyaad gaar ah ayaa qasab ku galay guryaha iyo goobaha ganacsiga ee Yuhuudda. Waxay jajabiyeen daaqadaha dukaamada, waxayna daaqadaha iyo gidaarada ku qoreen farriimo nacayb ah. Yuhuudda ayaa hantidoodii la burburiyay iyadoo qaar badanna xadgudub jidh dil ah lagu sameeyay. 400 oo qof ayaa la dilay, 30,000 oo rag ah ayaa la xidhay in kabadan 1,400 oo sunagoog iyo macbad ayaa la burburiyey.

Maalintii xigtay, ayay dariiqyada wadhnaayeen jajabka/faliidhada muraayadaha iyo qalab guryaha ee ka yimid dukaammadii iyo guryaha la burburiyey. Dhacdada waxa loo yaqaanaa Novemberpogromen.

Dadka reer Roma ayaa qasab xeryo loogu raray

Kahor intaanay xitaa Naasiyiintu xukunka 1933 la wareegin ayay dowladdii Jarmalku laheyd raritaanka qasabka ee dadka reer Roma xeryo loogu raraayo. Waxay Naasiyiintu sii wadeen raritaankaas qasabka ee dadka reer Roma, waxay laakiin dadka reer Roma ka mamnuuceen inay xeryaha ama meesha ay ku nool/degan yihiin ka guuraan.Qaar badan oo dadka reer Roma ah ayaa la dhigay xeryaha shaqada ama xeryaha lagu ururiyo dadka reer Roma. Xaaladaha xeryaha ayaa aheyd mid aad u xun iyadoo qaar badana ay dhinteen.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo Förintelsen

Si loo fahmo sida xasuuq (Förintelsen) loo sameyn karo intii lagu jirey Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxa muhiim ah in la fahmo sida uu dagaalku u faafsanaa.

Waddamada dagaallamayaa waxay kala ahaayeen "garabka Awoodda dhexe" kuwaas oo ka koobnaa Naasiyiintii Jarmalka, Talyaaniga iyo dhammaadkii 1941 xitaa Jabaan.

Dhinaca kale waxa taagnaa "Xulafada": Boqortooyada Ingiriiska iyo Barwaaqo Sooranka Ingiriiska (Canada, India, Australia, New Zealand iyo qaar badan), Midowgii Soofiyedka (wixii ka danbeeyey Juun 1941), Faransiiska, Poland, Mareykanka (wixii ka dambeeyay Diseembar 1941) iyo tiro waddamo kale oo badan ah.

Dad badan oo dalal kale ka yimid ayaa sidoo kale labada dhinacba ku lug lahaa.

Heshiiskii dhex maray Naasiyiintii Jarmalka iyo Midowgii Soofiyeti

Bishii Ogosto 1939 ayaa Naasiyiintii Jarmalka iyo Midowgii Soofiyeti ay ku heshiiyeen inaaan midkoodna midka kale weerarin. Taasi ayaa aheyd mid aad loola yaabo maxaa yeelay Hitler iyo hoggaamiyihii shuuciga ahaa ee Midowgii Soofiyeti, Joseph Stalin, waxay ahaayeen laba cadaw isku ah. Heshiis qarsoodi ah oo waddamada dhex maray ayay dhulka Yurub ku kala qeybsadeen labadoodu. Poland ayaa la kala qeybinayaa si ay Naasiyiintii Jarmalku ugu helaan qeybta galbeedka oo Midowgii Soofiyeti ugu qaato dhanka bariga. Midowgii Soofiyeti ayaa sidoo kale la wareegi lahaa maamulka Finland iyo waddamada Baaltiga ee Estland, Lettland iyo Litauen.

Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxa uu billowday Sibtembar 1939

1-dii Sibtembar hal todobaad ka dib heshiiskii dhex maray Naasiyiintii Jarmalka iyo Midowgii Soofiyeti ayay ciidamada Jarmalku Poland weerareen. Dhowr maalmood ka dib, ayaa Ingiriiska iyo Faransiisku ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Jarmalka. Dagaalkii labaad ee Adduunka ayaa hadda bilaabmay.

Yuhuuddii Poland deganeyd ayaa Naasiyiintu kadeedid/dhibaatayn u geysteen

Duulaankii Jarmalka wax yar ka dib ayay Naasiyiintii bilaabeen inay Yuhuudda Poland ku dhibaateeyaan. Xitaa dadka aan Yuhuudda ahayn ee reer Poland ayaa sidoo kale ay Naasiyiintu si xun ula dhaqmeen iyadoo ku dhawaad laba milyan oo dadka reer Poland ah la dilay.

Waxay Naasiyiintu Yuhuuddii Poland joogtey ku qasbeen inay geetooyinka ku noolaadaan, waxay ahaayeen meelo magaalooyinka ka mid ah oo inay cidi ka baxdo aan loo ogoleyn. Waxa geetooyinka ka jiray xaalado aad u liita oo macluul, saxmad badan iyo cudurro laheyd. Waxa Yuhuudda lagu qasbay inay dharkooda ku dhajistaan Xiddigta Yuhuudda Yu si ay u muujiyaan inay Yuhuud yihiin.

Norway iyo Danmark ayaa la soo weeraray

Bishii Abriil 1940 ayay ciidammadii Jarmalku soo weeraray Danmark iyo Norway. Waxay Danmark isku dhiibtey 24 saacadood gudahood. 

Noorway, ayay laba bilood dagaallo ka socdeen ka hor intaanay Jarmalku qabsannin. Immika ayaa waddanka daris ahaan Iswiidhan ugu dhow ee Norway, ay qabsadeen Naasiyiintu.

Dagaalkii Yurubta Galbeed

Naasiyiintii Jarmalka ayaa bishii Maayo 1940 weerarey Belgium, Holland, Luxembourg iyo Faransiiska. Ciidamadii Ingiriiska ee loo soo diray si ay uga caawiyaan la dagaalanka ciidamadii Jarmalka ayaa Ingiriiska dib loogu rarey. Bishii Juun ayaa ciidamadii Jarmalka ee dagaalka ku guuleystey ay Paris dhex maraayeen.

Yuhuuddii Faransiiska ayaa loo diray xerooyin-xabsiyda koncentrationsläger

Waxa Faransiiska ku sugnaa inta u dhaxeysa 300,000 ilaa 330,000 Yuhuud ah. Qaar badan ayaa ka soo qaxay Badhtamaha Yurub iyo Bariga Yurub oo Faransiiska soo galay. Waxay Naasiyiintu soo rogeen sharciyo iyo mamnuucid la mid ah ta Yuhuudda Jarmalka degan. Bishii Maarso 1942 ayaa Yuhuuddii ugu horreysay ee Faransiiska laga soo qaadey loo diray koncentrationslägret Auschwitz

Holland iyo Belgium

Waddanka Holland ee la qabsaday ayay Naasiyiintu la wareegeen meheraddihii iyo ganacsiyadii Yuhuudda. Waxay Yuhuuddu lumiyeen xuquuqdoodii madaniga aheyd waxaana loo diiday inay dawladda u shaqeeyaan. Waxay Naasiyiintu dalbadeen in Yuhuudda oo dhan is diiwaangaliyaan. Ku dhowaad 160,000 oo qof ayaa is diiwaangaliyay. Waxa kuwaas ka mid ahaa 25,000 oo Yuhuud ah oo ka soo cararay Naasiyiintii Jarmalka.

Qeyb badan oo ka mid ah dadka Yuhuudda ah ee Belgium jooga ayaa lagu shaqeystey adoon ahaan. Intii u dhaxeysay 1942 iyo 1944, waxa Belgium laga soo mustaafuriey 25,000 oo Yuhuud ah kuwaas oo la geeyay Auschwitz. Wax ka yar 2,000 oo Yuhuud ah ayaa ka badbaaday.

Talyaanigii ayaa soo galay dagaalka

Jarmarlka ayaa tan iyo 1930-kii, xulafo la ahaa Talyaaniga, kaas oo uu maamulaayey hoggaamiyihii fashiistaha ahaa ee Benito Mussolini. Sanadkii 1940 ayaa xitaa Jabaan ay ka mid noqotay xulafada.

Dawladda fashiistaha ah ee Talyaanigu waxay 1938kii soo rogtay sharciyo takoor ah oo ku lid ah Yuhuudda.

Dhibaatayn iyo ugaadhsi loo geystey Yuhuudda ayaa ka dhacay dhulalka la qabsadey

Ku dhowaad dhammaan waddammadii ay Naasiyiinta Jarmalku qabsadeen waxa ka jiray ugaadhsi Yuhuudda lagu hayo. Waxa kaliya ee ka reebanaa waxay aheyd Danmark, halkaas oo qiyaastii 7,000 oo Yuhuud deenish ahi ay u suurtagashay inay Iswiidhan u baxsadaan 1943. Kuwa ay Naasiyiintu qabtan ayaa loo diraayey koncentrationsläger iyo xerooyinka xasuuqa ee Bariga Yurub. Intii dagaalku uu socday oo dhan ayay Naasiyiintu dadka Yuhuudda ah ee jooga dalal kala duwan ee Yurub u geysanayeen xasuuq. Magaalooyinka waawayn iyo waliba tuulooyinka yar yar ee baadiyaha ku yaalla.

Naasiyiinta Jarmalka ayaa weeraray Midowgii Soofiyeti

Xagaagii 1941, ayay Naasiyiintii Jarmalku ku duulay Midowgii Soofiyeti inkasta oo laga soo bilaabo 1939 uu heshiis ka dhaxeeyey. Waxa loo yaqaano Einsatzgruppen waxay amartay in la dilo Yuhuudda, shuuciyiinta iyo kuwa kale ee ay naasiyiintu khatar u arkaadyeen. Yuhuudda iyo dadka reer Roma ayaa la soo safay meel xabaalo wadareedyo agtood ah oo lana toogtay.

Naasiyiintu waxay xitaa isticmaaleen basas ay dadka ka soo buuxiyeen oo ay ka dibna qiiq ku fureen. Dadkii baska ku dhex jiray ayaa u dhintey suntii qiiqa.

Dadka reer Roma waxa laga soo mastaafuriyay Austria oo la geeyey geto Poland ku taala

Xilligii dayrta ee sanadkii 1941, ayaa Austria laga soo  mustaafuriyey 5,000 oo reer Roma ah waxaana la geeyay magaalada Łódź ee Poland ku taala, halkaas oo aag geeto ay Yuhuuddu deganeyd qeyb ka mid ah la siiyey dadka reer Roma. 700 oo ka mid ah 5,000 ee dadka reer Roma ah ayaa u dhintay cudurka gawracatada ee geetada ka jirey. Kuwii ka sii hadhsanaa ayaa xerada dadka lagu xasuuqo ee Chelmno la geeyey halkaas oo lagu laayey. Ka dib markii ay Naasiyiinta Jarmalku weerareen Midowgii Soofiyeti sanadii 1941, ayay Einsatzgruppen jarmalku toogasho wadareed ku dileen tiro aad u badan oo reer Roma ah.

Xerayaha Maxaabiista ee Naasiyiinta Koncentrationsläger iyo xeryaha shaqada

Naasiyiintu waxay Yurub ka dhisteen xerooyin-xabsi loo yaqaan koncentrationsläger gaar ahaan Poland iyo Jarmalka. Waxay aheyd sidii nooc xero xabsi ah oo kale halkaas oo dadku ay ku noolaayeen xaalado aad u liita. Waxa maxaabiista lagu hayay xero xabsiyeed koncentrationsläger iyadoo aan maxkamadna la saarin lana xukumin.

Xeryaha shaqada waxay u ekaayeen sidii xerooyin-xabsi oo kale laakiin halkaas oo maxaabiista lagu qasbaayay inay u shaqeeyaan sidii addoomaha oo kale, badanaa illaa iyo intay ka dhimanayaan. Waxay qaar badan u dhinteen gaajo, cuduro, iyo daal. Xero xabsiyeedyo badan ayaa laga dhisay meelaha maxaabiista qasab lagaga shaqeysiin karo warshadaha, dhagax qorista ama dhisida dariiqyada. Waxay koncentrationslägren iyo xeryo shaqadamaxaabiista ku jiray ay badankoodu ahaayeen Yuhuud, dadka reer Roma, mucaaridiinta siyaasada ee Naasiyiinta ka soo horjeedka, dambiilayaal ama qaar kale oo ka tirsanaa kooxo ay naasiyiintu u arkaayeen inay ka hooseeyaan.

Xerada xasuuqa (Förintelseläger)

Si Yuhuud badan loogu dilo ayay Naasiyiintu dhisteen xeryo xasuuq oo ahaa  koncentrationsläger lagu soo ururiyo kuwa la  dilaayo. Xerooyinka xasuuqu (Förintelselägren) waxay ahaayeen sidii warshad wax lagu laayo, goob dad badan lagu dilaayo. Waxay ku yaalliin aaggii hore ugu ahaan jirey Poland, laakiin waqtigan noqday meel ay Naasiyiintii Jarmalku gumeystaan. Ku dhowaad 3 milyan oo Yuhuud ah ayaa lagu dilay xeryaha xasuuqa. Xerooyinka xeryaha xasuuqa ahaa waxa la kala odhan jiray Belzec, Chelmno, Sobibór, Treblinka, Maidanek iyo Birkenau. Qiyaas ahaan isla tiradaa in la mid ah oo Yuhuud ah ayay laayeen Einsatzgruppen iyo kuwii caawinaayey Naasiyiinta ee Bariga Yurub ka dib markii uu Jarmalku Midowgii Soofiyeti 1941 ku duulay.

Dagaalki ayaa fiday

Sanadkii 1941, ayay Jabaan, Mareykanka weerartay. Bishii Diseembar, ayaa la duqeeyey saldhiggii ciidamada badda Mareykanka ee Pearl Harbor ee Hawaii ku yaala. Weerarka ka dib, ayuu Mareykanku ku dhawaaqan dagaal ka dhan ah Jabaan maalmo ka dib ayay Naasiyiinta Jarmalka ku dhawaaqeen dagaal ka dhan ah Mareykanka. Mareykanku dagaalka wuu ka maqnaa ilaa iyo 1941, laakiin immika waxay leeyihiin cadaw Aasiya iyo Yurub ba u jooga.

"Zigenarfamiljelägret" ee ku taal Auschwitz-Birkenau

Waxa ay bishii Diseembar 1942 Naasiyiintu go'aansadeen in dhammaan dadka reer Roma ah ee Jarmalka ku sii hadhsan loo mastaafuriyo koncentrationsläger ka Auschwitz-Birkenau. Halkaas ayaa loo sameeyay xerooyinka qoysaska dadka reer Roma oo loogu yeedho "Zigenarfamiljelägret “. Waxa halkaas maxaabiis ahaan loogu hayay in ka badan 22,000 oo Roma ah oo ka kala yimid Jarmalka, Austria iyo Poland. Qiyaas ahaan kala badh waxay u dhinteen cuduro iyo gaajo. Markii ay Naasiyiintu isku dayeen inay dadkii reer Roma ee ugu horeeyey ee xerada jooga dilaan ayay dadkii Roma ee Jarmalka u dagaalamay dagaalkii koowaad ee adduunka iska caabiyeen. Arintaas ka dib ayaa maxaabiistii ragga iyo dhalinyarada xoogga leh ahaa meesha laga wareejiyay iyadoo ay ku soo hadheen haween, carruur iyo odayaal waaweyn.

Xagaagii 1944, ayay maamulka Auschwitz-Birkenau go'aamiyeen in la xidho xerada qoyska dadka reer Roma (Zigenarfamiljelägret). Intii sii noolaydna waa la laayey. Dadkii ugu danbeeyey ee xerada ku sii hadhsanaa oo gaadhaayey 2897 qof ayaa gaas disha loogaga furay habeenimadii Ogosto 1944. Maalinta 2 Ogosto ayaa ah maalin lagu xasuusto xasuuqii Roma.

Dagaalkii Aasiya iyo Yurub

Sanadii 1941 ayay Jabaan Mareykanka weerartay. Waxa bishii Diisembar la duqeeyey, saldhiga ciidamada badda Mareykanka ee Pearl Harbor iyo Hawaii ku yaalay. Weerarka ka dib ayuu Mareykanku iclaamiyey dagaal Jabaan ka dhan ah iyadoo dhowr maalmood ka dib ay naziyiinta Jarmalku iclaamiyeen dagaal ka dhan ah Mareykanka. Mareykanku waxa uu dagaalka ka baxsanaa ilaa iyo 1941, laakiin hadda ayuu cadaw ku leeyahay Aasiya iyo Yurub labadaba.

Talyaanigu wuu is dhiibay laakiin Naasiyiinta Jarmalka ayaa la wareegay taladii dalka

Sanadkii 1943 ayaa ciidamadii Ingiriiska iyo Mareykanku ka soo dageen Sicily si ay ugu weeraraan Talyaaniga oo ahaa xulafada Naasiyiintii Jarmalka. Ka dib laba bilood oo dagaal ka socday ayay ciidamadii Talyaanigu is dhiibeen. Naasiyiintii Jarmalka ayaa la wareegay maamulka qeybaha Talyaniga ee xulafadu aanay qabsanin.

Markii Talyaaniga la qabsaday, ayay xaaladu ku sii xumaatey 43,000 ee Yuhuud ahaa oo ku noolaa waqooyiga Talyaaniga. Markii ay Naasiyiintii la wareegtay ka dib ayaa lagu amray masaafurinta  Yuhuudda lagu geynaayo koncentrationsläger. Laakiin qaar badan oo Yuhuud Talyaani ah ayaa ku badbaaday iyagoo dhuumtay markii ay caawiyeen dadkii ay is yaqaaneen ee Talyaaniga ahaa iyo Kaniisadda Kaatooliga.

Dhammaadkii dagaalka Yurub

Bishii Juun 1944 ayay ciidammadii xulafada ee ka kala timid Ingiriiska, Kanada, Mareykanka iyo Faransiiska ay ka soo dageen Normandy oo waqooyiga Faransiiska ku taal. Ka dib dhawr bilood oo uu dagaal xoogan ka socday halkaas ayaa ciidamadii Jarmalku ku qasbanaadeen inay Fransiiska ka baxaan iyadoo wadanka laga xoreeyay gumaysigii Jarmalka.

Socodkii dhimashada

Xilligii gu'gii sanadkii 1945 ayaa ciidammadii Jarmalka dhanka bari iyo galbeedba dib loogaga soo riixay Jarmalka.

Waxay Naasiyiintu xeryihii ka faaruqiyeen maxaabiista iyagoo ku qasbey inay masaafado fogfog ugu lugeeyaan xerooyin ka fogaa dagaalka. Qiyaas ahaan 250,000 oo qof ayaa ku dhintey xilligaas lagu guda jirey waxa loogu magac daray socodkii dhimashada.

Taariikhdu markay aheyd 8-dii Maayo, 1945 ayay is dhiibeen ciidammadii Jarmalka iyadoo dagaalkii labaad ee adduunka uu Yurub ka dhamaadey

Bamkii nukliyeerka ahaa ee koowaad

Aasiya ayaanu dagaalku ka istaagin ee waxa uu sii socday in ku dhow 3 bilood oo kale. Bishii Agosto 1945, ayuu Mareykanku bambo nukliyeer ah ku tuuray magaalada Jabaan ku taala ee Hiroshima. Waxay aheyd markii ugu horreysay ee bamka nukliyeerka ah dagaal loo adeegsado. Boqolkiiba 80 dhismayaasha ku yaala magaalada ayaa gebi ahaanba burburay iyadoo ay 150,000 oo qof ku dhinteen. Saddex maalmood ka dib ayuu Mareykanku bamb nukliyeer ah ku tuuray magaalada Jabaan ku taala ee Nagasaki. Markaas ka dib ayay Jabaan is dhiibtey.  

Tirada dhimashada oo aad u badan

Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaa isku geyn ahaan in 50 milyan oo qof ku dhow ay ku dhinteen. Qaar badan oo kuwaas ka mid ahi waxay ahaayeen rayid, oo dad aan askar aheyn ah. 

Dhammaadkii dagaalkii labaad ee adduunka ka dib

Ka dib dagaalkii labaad ee adduunka ayaa kuwii mas'uulka ka ahaa xasuuqii Förintelsen maxkamad lagu soo taagey magaalada Nürnberg. Qaar badan oo darajooyin sare ka hayay iyo mas'uuliyiintii Naasiyiinta ayaa horeyba isku dilay, kuwaas oo uu ku jiro Adolf Hitler, oo aan la xukumin. Dembiyada ay maxkamaddu ku soo oogtey ayaa ahaa eedeymaha dambiyo ka dhan ah bini aadanimada, dembi dagaal oogid ah iyo dembi ku lid ah nabada. Mid ka mid ah cawaaqibta/natiijooyinkii ka soo baxay maxkamadii Nuremberg ayaa aheyd in la qaato Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay 1948.

Förintelsen waxa uu saameeyey adduunka

Markii xasuuqii loo geysanaayay dadka Yuhuudda ahi uu istaagey ka dib markii uu dagaalkii labaad ee dunidu dhamaadey ayaa ku dhowaad 6 milyan oo Yuhuud ah ayaa la dilay. Kuwaas oo ay ku dhawaad 1.5 milyan oo carruur ahi ku jireen.

Tusaale ahaan waxa dagaalka ka hor Poland ku noolaa 3.3 milyan oo Yuhuud ah iyadoo ay dagaalka ka dibna ay ku hadhsanaayeen 50,000 oo kaliya. Waxa Giriiga ku sugnaa 74,000 oo Yuhuud ah, 62,000 ka mid ah kuwaas waxa la dilay intii uu dagaalku socday.

Yuhuudda intii ka badbaaday xasuuqii Förintelsen waxay dagaalkii labaad ee adduunka ka dib ka tageen Yurub. Boqollaal kun oo qof waxay u guureen Israa'iil, Mareykanka, Kanada, Austaralia, Koonfurta Ameerika iyo Koonfur Afrika.

Cilmi baadhis ayaa socota ku saabsan dadka reer Roma

Waxa socda cilmibaadhis ku saabsan taariikhda xasuuqii qowmiyadda dadka reer Roma. Waxa muhiim ah in xasuuqan sidoo kale la diiwaangaliyo. Ma jirto tiro la hubo oo ku saabsan inta qof ee asal ahaan dadka reer Roma ka soo jeeda ee ay Naasiyiintu dileen. Qaar badan oo Roma ahaa waxay ahaayeen bilaa sharci oo aan muwaadiniin ka aheyn waddamada Yurub midkoodna. Waxay noqon kartaa ilaa 500,000 oo reer Rome ah inta ay Naasiyiintu dileen.

Nabarkii ugu weynaa ee Yurub ay yeelato ka dib Förintelsen

In kasta oo uu Yurub muddo dheer ka jiray antisemitism iyo antiziganism ayaa haddana dadka Yuhuudda iyo Roma ay qeyb dabiici ah ka ahaayeen qoomiyadaha kala duwan ee Yurub. Dagaalkii Labaad ee Adduunka iyo Förintelsen ka dib ayaa dhaqanka Yuhuuddu uu burburay iyadoo bulshadii Yuhuudda aheyd ay ku dhawaatey in la burburiyo. Qeyb weyn oo dadka reer Roma ee Yurub ka mid ah ayaa la laayey, laakiin weli waxay qaadatay tobanaan sano ka hor inta laga aqoonsanayay xasuuqa dadka reer Roma. Bulshooyin badan ayaa waxay waayeen shaqooyin badan oo muhiim ah sida dhakhaatiirta, hilib qale/kawaanle iyo farsamayaqaano/tumaalo ka dib markii dadkii Yuhuuddii iyo dadka reer Roma ahaa ee la degganaa qasab lagu eryay ama la dilay. Xasuuqa iyo dagaalkii labaad ee adduunka waxa ay saameeysay qaybo badan oo adduunka ka mid ah, laga soo bilaabo waqooyiga Yurub ilaa Waqooyiga Afrika.  Xasuuqii ka dhacay Yurub ee loo geystay Yuhuudda iyo dadka reer Roma ayaa nabarro waaweyn kaga tegey Yurub.

Förintelsen dad ayaa dad kale ku sameeyay

Dadkii dembiilayaasha Förintelsen ahaa waxay ahaayeen dad caadi ah, ee may ahayn dad loo borogaraam gareeyey inay wax laayaan. Laakiin waxay falal ka baxsan bini'aadanimada ku sameeyeen dad kale. Sidee ayay dadka waxaas oo kale dad kale ku sameeyay, dad ay ku jiraan dumar iyo carruur ay isla markaasna u noqon karaan qof kale saygood ama aabbahood?

Dhowr waddan oo ay Iswiidhan ku jirto ayaa mawduuca Förintelsen uu noqon karaa mid xasaasi ah. Marka dhanka Iswiidhan laga eego ayay taasi khuseysaa in dad badani ay u arkaan in dawladda dalku aanay wax badan qaban si ay ugu caawiso dadka Yuhuudda iyo dadka Roma ka hor iyo intii uu socday dagaalkii labaad ee dunidu. Waddamada kale ayaa mawduucani noqon karaa mid xasaasi ah maadaama oo ay jireen dawlado Naasiyiinta ka caawinaayey xasuuqa.  

Waxa jira xukuumado waddamada qaar oo raba inay taariikhda badalaan si uu dalku ugu muuqdo inuu ahaa mid wax wanaagsan oo kaliya sameeyey intuu socday dagaalkii labaad ee adduunka. Waxa sidoo kale jira dalal laga hadlo in qof kasta oo aan Naasi aheyni uu ahaa geesi ama dagaalyahan wax iska caabinaayey. Taariikhdu ma aha wax si fudud loo maareyn karo waana taas waxa keenaaya inuu ka hadalka Förintelsen ahaado mid xasaasi ah, laakiin ay muhiim tahay in laga hadlo.

Förintelsen waa tusaale wax ku cabsi galinaaya ah oo dhici kara haddii aynaan si joogto ah uga hadlin dimuquraadiyadda iyo sinaanta aadanaha.